(England) 10 Maajo 2018. Yaya Toure ayaa xalay loo sameeyay sagootin heer sare ah kaddib guushii ay Manchester City ka gaartay Brighton.
Kolo Toure ayaa walaalkii guddoonsiiyay maaliyadiisa oo frame la galiyay taa oo lagu soo qoray 316 oo ah kulamada uu u saftay Man City.
Yaya ayaa la badelay ciyaarta oo ay wax yar ka harsan tahay waxaana u wada istaagay oo marxabeeyay dhammaan ciyaartoyda, xitaa way ku soo xoomeen markii uu macsalaameeyay naadiga.
Vincent Kompany ayaa sheegay in haddii ayba Man City leedahay Halyeey uu yahay Yaya Toure.
Kabtankii Ivory Coasta ayaa ka tagi doona Etihad Stadium marka uu dhammaado xilli ciyaareedka.
SAWIRRO:
Gool FM.