Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

WAGAR: Mbappe ma qaadan doono wax Lacago ah xitaa haddii uu xulka Faransiiska ku guuleysto Koobka Adduunka…(Ogoow Sababta)

$
0
0

(Russia) 01 Luulyo 2018. Kylian Mbappe ayaa ahaa xiddiga garoonka ciyaartii uu xulka Faransiiska 4-3 uga adkaaday Argentina wareega 16-ka Koobka Adduunka.

Wuxuu dhaliyay labo gool oo caaqibo leh waxaana sidoo kale lagu galay Rigoore kaddib markii uu xawaare ku soo dhex jeexay xiddigaha xulka uu Kabtanka u yahay Lionel Messi.

Yeelkeede, dayarka ugu qaalisan kubbada cagta adduunka ayaan wax lacago ah ka qaadan doonin xulkiisa xitaa haddii ay ku guuleystaan koobka adduunka.

Dhaliyaha PSG ayaa xulkiisa ka qaadanaya kulankiiba 17,000- oo bound oo u dheertahay bareemiyo balse wuxuu ugu deeqi doonaa dhaqdhaqaaq isboorti oo loo sameynayo caruurta Naafada ah sida uu warinayo warsidaha L’Equipe.

Mbappe ayaa la fahansan yahay inuu heli doono adduun dhan 265,000 oo bound haddii uu xulka Faransiiska ku guuleysto Koobka Adduunka balse lacagahaas oo dhan deeq ayuu ku bixin doonaa oo wuxuu aaminsan yahay inay tahay inuu lacag la,aan ugu ciyaaro xulkiisa qaranka .

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles