(Russia) 02 Luulyo 2018. Angel Di Maria ayaa fal anshax xumo oo wayn ku kacay ciyaartii Doraad ee xulka Argentina looga reebay Koobka Adduunka kaddib markii ay guul darro 4-3 kala kulmeen xulka Faransiiska.
Faransiiska oo gool ku hogaaminaya ciyaarta ayaa waxaa gool aan innaba caadi ahayn ka xareeyay xiddiga PSG ee Di Maria isagoo goolka ka toogtay diilinta ganaaxa bannaankeeda.
Hasayeeshee, wuxuu sameeyay dabaal deg anshax xumo ah.
“Keyga sidan ayuu u wayn yahay, sidan ayay u wayn yihiin,” Di Maria ayaa sidaa ku qeyliyay markii uu goolka dhaliyay isagoona tilmaamayay xubintiisa Taranka.
Goolka ayaa Angel di Maria uga dhignaa inuu dhaliyay goolkiisii labaad ee Koobka Adduunka oo goolkii hore wuxuu ka xareeyay Switzerland wareega 16-ka ee World Cup kii 2014 ee lagu qabtay Brazil.
Gool FM.