Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Xilliga la sameynayo isku aadka Horyaalka Talyaaniga oo la shaaciyey… (Waa goorma?)

$
0
0

(Rome) 13 Luulyo 2018. Waxaa la shaaciyay xilliga la sameyn doono isku aadka Horyaalka Serie A-da Talyaaniga ee xilli ciyaareedka 2018-19, waxaana loo gartay in lagu dhawaaqo oo la sameeyo maalinta Khamiista ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 26 bishan July.

Dhinaca kale isku aadka Horyaalka Ingiriiska ee Premier League xilli ciyaareedkan oo isagana lagu dhawaaqay dhammaan 380-kiisa kulan 09:00 BST ee 14 bishii June ayaa kan Talyaaniga si kaas ka duwan loo soo bandhigi doonaa.

Isku aadka horyaalka Talyaaniga ee Serie A ayaana lagu soo bandhigi doonaa xaflad gaar ah oo laga sii deyn doono si toos ahna looga daawan doono Sky.

Waxaa horyaalka Talyaanigu uu furmi doonaa Sabti 18 bisha Agoosto, halka la soo geba-gebeyn doono 26 bisha May 2019, waxaana Jadwalka kooxaha isku aadkooda iyo Kanaallada telefishinnada ee laga sii deyn doono la dhameystiri doonaa maalmaha soo socda.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles