(Liverpool) 13 Luulyo 2018. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dhammaystirtay saxiixa Xherdan Shaqiri kaasoo ay kala soo wareegeen Stoke City, waxaana uu u saxiixay heshiis waqti dheer ah.
Reds ayaa waqti dheer ku raad-joogtay xiddigan xulka qaranka Switzerland, waxaana uu tijaabada caafimaad kooxda u maray gelinkii hore ee maanta, kaddibna waxa uu saxiixay heshiis shan sanadood ah oo uu garoonka Anfield ku sii joogo doono illaa sanadka 2023.
26-sano jirkaan ayaa qeyb ka ahaa kooxdii Stoke ee u laabtay heerka labaad ee Ingiriiska, islamarkaana hoos uga dhacday horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.
Shaqiri ayaa ka soo tagay garoonka bet365 kaddib 92 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Potters lagu naanayso intii lagu guda jiray saddexdii sanadood oo uu joogay halkaas.
Shaqiri kaasoo kooxdiisa cusub ee Merseyside-ka u xiran doona lambarka 23-aad ayaa la fahamsan yahay inay Reds kula soo wareegtay lacag lagu qiyaasayo 13 milyan oo gini.
Laacibkan khadka dhexe ayaa ka mid ahaa xiddigihii xulka qaranka Switzerland ee sanadkan ka qeyb galay Koobka Adduunka, waxaana uu noqonayaa saxiixii saddexaad oo ay suuqa kala iibsiga xagaagan ka sameyso kooxda Liverpool kaddib Naby Keita iyo Fabinho.
SAWIRRO:
Gool FM.