(London) 14 Luulyo 2018. Chelsea ayaa shalay shaqada ka ceyrisay Antonio Conte iyadoona iminka si rasmi ah ugu dhawaaqday in Maurizio Sarri uu yahay tababarahooda Cusub.
Macallinkii Napoli ayaa Blues qalinka ugu duugay heshiis dhan saddex sano.
Haddaba Waa kuma Maurizio Sarri?
Sarri waxa uu dhashay 10-ka bishii Janaayo 1959-kii wuxuuna ku dhashay Naples ee dalka Talyaaniga.
59-jirka malahan taariikh ciyaareed oo laga sheekeeyo oo weligii uma ciyaarin koox xirfadlayaal ah oo ciyaal xaafadeed unuu u soo ciyaari jiray.
Wuxuu markii hore howshiisa ka bilaabay shaqaale dhismayaasha, ka hor inta uusan u weecan waaxda Bangiyada.
Goobaha uu macallinka reer Talyaani ka xamaalan jiray ayaa waxaa ka mid ah Magaalada London, Zurich iyo Luxembourg.
Waa kuwee Kooxaha uu soo leyliyay Sarri?
Markii uu 40-jir ahaa wuxuu ka tagay shaqada Bangiga isagoona qabtay xilka kooxda yar ee Tegoleto.
Wuxuu sidoo kale guulo la gaaray kooxaha yar yar ee Sansovino iyo Sangiovannese, wuxuuna markii dambe qabtay Pescara ee ka ciyaareysa Serie B.
Inkastuu ku dhibtooday kooxaha heerka hoose ee Talyaaniga misane kubbadiisa weerarka ku dhisan ayaa soo jiidatay kooxda Empoli oo sanadkii labaad uu keenay Serie A.
Saddex Sano kaddib wuxuu qabtay Napoli oo uu gaarsiiyay heer aad u sarreeya.
Xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee gegada Stadio San Paolo wuxuu Napoli ku hogaamiyay kaalinta labaad ee Serie A waxaana ka qaaday Juventus.
Kal ciyaareedkii la soo dhaafay kooxda Napoli ayaa inta badan hogaamineysay horyaalka Talyaaniga balse nasiib xumo Juventus ayaa ugu dambeyn afar dhibcood uga qaaday.
Sarri Waa Sigaaryo Cab:
Weeraryahanka kooxda Napoli Dries Mertens ayaa sheegay in Sarri uu ugu yaraan maalinkii cabi jiray 5 baakadood oo Sigaar ah.
Tababarka iyo xitaa garoonka ayuu Sarri si joogta ah ugu cabaa Sigaarka, taa oo xitaa dhalisay in kooxda RB Leipzig ee dalka Jarmalka ay meel gaar ah u dhisto Sarri si uu Sigaarka ugu cabo mar ay Napoli soo booqatay sanadkii tagay si ay u wada ciyaaraan kulan Europe League ah.
Haddaba Chelsea ayaa malaha iminka looga fadhiyaa inay meel gaar ah u dhisto macallinkooda Cusub si uu Sigaarka ugu cabo.
Gool FM.