Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Jose Mourinho oo Kansalay Fasaxa uu Siin lahaa Cayaariyahanda ka Qeyb Gashay Koobka Adduunka

$
0
0

( Manchester ) 15 Luulyo 2018. Macalinka Manchester united Jose Mourinho ayaa fasax dheeraad ah siin doonin xiddigaha ka qeyb gashay koobka adduunka.

Todoba cayaariyahan oo kamida kooxda united ayaa qeyb ka ah asbuucan kulamada qabagaba tartanka cayaaraha adduunka laakiin wuxuuna doonyaa inay dib usoo labtaan 6 bisha August.

Xitaa waxaa laga yabaa inuu geesiyaashiisa u isticmaalo keydka  marka uu furmayo horyaalka Premier League.

Jesse Lingard iyo Ashley Young ayaa labaduba dheelay dhamaan kulamada England oo tartanka ka gaartay heerka afar dhamaadka markii u horeeysay mudda 28 kadib.

Romelu Lukaku iyo Marouane Fellaini ayaa sido kale qeyb ka ahaan cayaariyahanadii heerka sami-finalka gaarsiiyay qaranka Belgium oo kaalinta seddaxaad tartanka ka gashay.

Image result for ON REPORT Mourinho cancels extended break for World Cup stars including Rashford and Pogba FOOTBALL

Lingard, Lukaku waxaa u raaci doona Old Trafford Marcus Rashford iyo Phil Jones oo dhamaantood dheelay kulankii kaalinta seddxaad ee ka dhacay St Petersburg.

Xiddiga ugu qaalisan United ee Paul Pogba ayaa maanta ku lug yeelanaya cayaarta finalka ay France wajihi doonto Croatia.

Waxaan la siin doonaan seddax asbuuc oo fasaxa, isagoo ka maqnaanaya kulamada ay kooxdu ku cayaari doonto America, ka hor inta aysan kasoo laaban fasaxa.

Dhamaan cayaariyahanada ayaa la siiyay waqti yar oo fasaxa maadama naadigu ay isku diyaarineyso kulan furitaanka Premier League oo ay la dheeli doonto Leicester maalin Jimcaa taariikhduna ay tahay 10 August.

United ayaa kulankeeda kowaad ee cayaaraha xagaaga fasaxa la cayaari doona kooxda Club America oo Jimcaha soo aadan ay wada dheeli doonaan, waxayna kulamada xigaa la kala cayaareysaa AC Milan, Liverpool iyo Real Madrid.

Image result for manchester united players at world cup

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles