Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Luka Modric oo Caawa Fiidkii Gacantiisa kor ugu qaadi kara Koobka Adduunka, laakiin ma maqashay Noloshiisii hore….(SHEEKO YAAB leh oo la Helay)

$
0
0

(Russia) 15 Luulyo 2018. Luka Modric ayaa Maanta Koobka Adduunka u gacan galin kara xulkiisa Croatia haddii ay ka adkaadaan Faransiiska waxaana suuro gal ah in sanadkan la guddoonsiiyo abaal marinta Ballon d’Or, laakiin ma maqashay sheekada ku aadan Shan jirkisii.

Modric ayaa ku soo koray goobo dagaal, filim sameeyaha lagu magacaabo Pavle Balenovic  ayaa Youtube ku soo shaaciyay muuqaal la duubay sanadihii u dhexeeyay 1989 iyo 1990, waxaana ka soo muuqanaya wiil 5-jir ah oo Ari raacaya kaa oo xaqiiqdii ah Luka Modric.

Tokeo la picha la GOAT TO START SOMEWHERE World Cup 2018: Luka Modric herds goats as five-year-old in throwback documentary footage

Pavle Balenovic  ayaa Qisada Modric sidan ku bilaabay:

“Laga soo bilaabo caruurnimadeyda waxaan aad ula dhacsanaa dabeecadaha iyo Xawaanka. Waxaan ka heli jiray Xawayaanka duur joogta gaar ahaan Yeeyda.

“Markii aan bilaabay inaan safro, Waxaan ururiyay aqoon iyo khibrad hufan. Waxaan la kulmay dadka ka yimaada goobaha ay ku nooshahay Yeeyda.

“Marka hoos loogu dago Koonfurta wadada dhagaxa qadiimka ah waxaa ku yiilay guriga Modric.

“Qoyska Modric waxay ahaan jireen dad aad u fiican. Waan soo booqan jiray markasta aan filim duubis u soo aado duur joogta iyo buuraha.

“Waxaan muuqaal yar ka qaaday saaxiibkey iyo wiilkiisa oo ari raacaya waxaana la qorsheeyay in lagu daro Dukumintiga Yeeyda. Waxay ahayd 1990 kii wax yar ka hor inta aysan dagaaladu bur burin gurigooda.

“Dagaalka ayaa bur buriyay wax kasta dibna uma arag reerka Modric. Way guureen. Intaa kaddib sanado yar ka hor waxaan helay aqbaar ku aadan wiilkii yaraa ee ariga la raacayay aabihii ee muuqaalkeyga ku jiray inuu noqday laacib caan ah oo reer Croatia – Luka Modric.

Pavle Balenovic  ayaa sheekadiisa ku soo xiray in Kabtanka xulka Croatia ee Modric uusan arkin muuqaalkan ku aadan isagoo shan jir ah oo ari raacaya maadaama kolkani tahay markii ugu horreysay ee la soo daabaco.

Isku soo wada duuboo, 5-jirkii Ari raaca ahaa ayaa Maanta ku guuleysan kara dhacdada ugu wayn kubbada cagta adduunka waxaana suuro gal ah in loo caleemo saaro abaal marinta Ballon d’Or ee Laacibka ugu fiican sanadka.

Modric awoowihii waxaa la dilay xiddiga oo lix sano jir ah, Wuxuuna sanado badan noloshiisii hore ku noolaa Hotel kaddib markii la bur buriyay gurigiisa.

Halkan ka DAAWO Muuqaalka Modric oo 5-jir ah oo Ari Raacaya: 


Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025