( Catalan ) 15 Luulyo 2018. Arsenal ayaa qaab sahlan kula wareegi karta laacibka Andre Gomes kadib markii laga reebay safarka kulamada fasaxa kooxda Bracelona sida ay wararku sheegayaan.
Xiddigaan qadka dhexe ka cayaara ayaa la safri doonin kooxda kulamada saaxiibtinimo kusoo cayaareysa waqooyiga America.
Ilo wareedyo ayaa ku waramaya in laacibka Portugula uu ku dhaw yahay in la xaqiijiyo bixitaankiisa kooxda Barcelona xagaagan.
Waregyska Spanish-kaa ee Sport ayaa sheegaya in naadiyada Arsenal iyo Juventus ay labaduba xiiseynayaan saxiixa 24 jirkaan.
Barcelona waxay ku qiimeyneysaa Gomes £17.6m oo gini oo u dhiganta €20m euro, Si kastaba labada koox ayaa la kulmi kara qiimo intaa ka yar waxaana laga yabaa inay ku helaan £15.9m oo gini dhanka lacagta yuurooygana ah €18m.
Gomes ayaa kaliya loo ogol yahay inuu garoonka Cam Nou kaga dhaqaaqo heshiis joogta ah.
Gomes ayaa yimid kooxda Barcelona 2016-kii markaa uu kasoo wareegay naadiga La Liga ka cayaarta ee Valencia qiimo dhan £33.3 m oo gini.
Yeelkeede, laba kal cayaareed uu ku sugan yahay Barcelona wuxuu u saftay 78 kulan waana mid ku guuldareysaty wax qabadkiisa.
Wuxuu kaliya dhaliyay seddax gool isagoo caawiyay afar gool kale mudda uu joogo kooxda Catalan.
Gool FM.