(Russia) 15 Luulyo 2018. Xulka Faransiiska ayaa caawa fiidkii Finalka Koobka Adduunka la ciyaari doona xulka Croatia. Madaxwanaha France Emmanuel Macron ayaa Casuumaad gaar ah u fidiyay labo ka mid ah xulka dalkiisa balse aan ciyaareyn ciyaarta Final ka.
Kabtanka Arsenal Laurent Koscielny iyo laacibkii hore ee West Ham Dimitri Payet ayaa dhaawac ku seegay Koobka adduunka oo lama soo xulan balse nasiib wanaag waxay casuumaad ka heleen Madaxwaynahooda si ay u daawadaan ciyaarta Final ka.
Labada laacib ayaa muhiim u ahaa xulka Faransiiska oo waxay qeyb ka ahaayeen xiddigihii soo gaaray Finalkii Euro, balse inta uusan bilaaban koobka adduunka ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo.
Griezmann ayaana sheegay inay wax wayn tahay inay kala soo qeyb galaan Final ka koobka adduunka isla markaana ay xulka caawin doonto.
Gool FM.