Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

RASMI: West Ham oo la wareegtay xiddigii laga daba ordayay ee Felipe Anderson

$
0
0

(England) 15 Luulyo 2018. West Ham ayaa lacago rikoodh ka noqday kooxda kula soo wareegtay laacibka qadka dhexe ee Lazio Felipe Anderson 45 milyan oo bound.

Wiilka reer Brazil ayaa u saxiixay naadiga lagu naaneyso Hammers heshiis afar sano ah xilli ay doonayeen kooxo waa wayn oo ay ka mid tahay Manchester United.

Rikoodhka xiddigaha ugu qaalisan ee West Ham waxaa heystay Marko Arnuatovic oo ay 25 milyan kaga soo iibsadeen Stoke City balse waxaa rikoodhkaas jabiyay iminka Felipe Anderson.

Kooxda ka dhisan London ayaa si xoogan isku hubeynaysa waxay horey u keensatay tababare Manuel Pellegrini, Jack Wilshere iyo xiddigo kale oo muhiim ah.

Gool FM.   


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles