Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Xulka England oo ka soo duulay dalka Ruushka, kaddib markii uu kaalinta afaraad ka galay Koobka Adduunka 2018… + SAWIRRO

$
0
0

(Saint Petersburg) 15 Luulyo 2018. Xulka qaranka England ayaa ka soo duulay dalka Ruushka oo sanadkan marti gelinaya Koobka Adduunka 2018, kaddib markii uu kaalinta afaraad ka soo galay tartanka sanadkan.

Safarkii xulka England ee Koobka Adduunka ayaa soo dhammaaday waxaana ay boorsooyinkooda ka soo xirxirteen dalka Ruushka, iyadoo ka soo duulay Saint Petersburg kuna soo wajahan garoonka diyaaradaha ee Birmingham Airport.

Xulka saddexda Libaax ayaa niyad-jab ku dhammaystay Koobka Adduunka sanadkan, kaddib markii kulankii kaalinta saddexaad ay xalay guuldarro 2-0 ah kala kulmeen Belgium, labo gool oo ay kala dhaliyeen Thomas Meunier iyo Eden Hazard.

Macallin Gareth Southgate iyo wiilashadiisa xulka England ayaa ka soo duulay Ruushka maanta oo Axad ah, waxaana safar dheer kaddib ay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda hooyo.

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025