Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Calanka uu Xalay sitay Griezmann ma ahan kii Dalka Faransiiska…(Maxay tahay Sababta uu ku kale u soo qaatay??)

$
0
0

(Russia) 16 Luulyo 2018. Xulka Faransiiska ayaa xalay si raaxo leh ku qaaday Koobka Adduunka kaddib markii ay 4-2 uga taqaluseen xulka Croatia.

Antoine Griezmann wuxuu ka mid ahaa xiddigaha ugu muhiimsan xulka Faransiiska isla markaana wuxuu dhaliyay goolkii Rigoorada, balse maxay tahay sababta uu u xirnaa calanka dalka Uruguay intii uu ku guda jiray shirkiisa jaraa ‘ id ee ciyaarta kaddib.

Dhaliyaha kooxda Atletico Madrid ayaa kol hore si aan gambasho lahayn u sheegay xiriirka iyo Jaceylka kala dhexeeya reer Uruguay.

Laakiin Calankii uu xirnaa ee dalkaasi ma ahayn mid uu la yimid oo waxaa u dhiibay mid ka mid ah Saxafiyiinta goobta joogtay oo ka soo jeeda dalka Uruguay.

Griezmann iskama dhigin calankii loo dhiibay oo wuxuu saartay garabkiisa isagoo ku jira shirka Jaraa,id ee ciyaartii Final ka kaddib si uu u muujiyo sida uu uga Mahadnaqayo.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles