(Moscow) 16 Luulyo 2018. Koobka Adduunka 2018 ayaa xalay lagu soo gabagabeeyey Waddanka Ruushka, waxaana Final-kii tartankan isku qabtay xulalka France iyo Croatia.
Xulka France ayaa ku guuleystay markiisii labaad Koobka Adduunka kaddib markii uu xalay 4-2 uga badiyey Croatia.
Weeraryahanka Kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa ku guuleystay Kabta dahabka ah ee gooldhalinta Koobka Adduunka 2018 ee World Cup Golden Boot, waxaana uu ku qaaday 6 gool.
Kane ayaa abaal-marinta gooldhalinta koobka Adduunka ku garaacday xiddiga xulka qaranka France ee Antoine GRIEZMANN iyo Weeraryahanka xulka qaranka Belgium ee Romelu LUKAKU.
Harry Kane ayaana noqday ciyaaryahankii labaad oo Ingiriis ah ee abid ku guuleysta gooldhalinta Koobka Adduunka kaddib Gary Lineker oo qaaday gooldhalinta Koobka Adduunka sanadkii 1986-dii.
Haddaba halkaan hoose ka eeg sida loogu kala guuleystay abaal-marinta kabta dahabka ah ee gooldhalinta Koobka Adduunka tan iyo sanadkii 1978-dii iyo ciyaaryahan waliba goolasha uu ku qaaday:-
1978: Kempes (6-gool)
1982: Rossi (6-gool)
1986: Lineker (6-gool)
1990: Schillaci (6-gool)
1994: Salenko/Stoichkov (6-gool)
1998: Šuker (6-gool)
2002: Ronaldo (8-gool)
2006: Klose (6-gool)
2010: Müller (5-gool)
2014: Rodríguez (6-gool)
2018: Kane (6-gool)
Gool FM.