(World) 16 Luulyo 2018. Kubadda cagta Adduunka maalin walba wax ayey ku asteysan tahay maantana waxaa soo qaadanaynaa waxyaabihii ka dhacay maanta oo kale kubadda cagta.
Waxaa maanta miiska inoo saaran xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka 2018 ee N’Golo Kanté & Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Luis Suárez.
>- Maanta oo kale 16 bishii Luulyo 2014, Luis Suárez ayaa ku biiray kooxda kubadda cagta Barcelona.
Luis Suárez ayaa 75 milyan uga soo dhaqaaqay naadiga Liverpool, waxaana uu ku biiray Barcelona, heshiiskaas oo markaas rikoor ka noqday horyaalka La Liga.
Dhaliyaha xulka qaranka Uruguay ee Luis Suárez ayaa 130 kulan u ciyaaray kooxda Barcelona waxaana uu u dhaliyey 110 gool, isagoo u sameeyey 55 gool caawin, halka uu kula guuleystay saddex Koob.
>- Maanta oo kale 16 bishii Luulyo 2016, kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la saxiixatay N’Golo Kanté, waxaana ay kala soo wareegeen naadiga Leicester, iyagoo ku soo qaatay adduun dhan 30 milyan oo gini.
N’Golo Kanté oo markaas kooxda Leicester kula soo guuleystay Premier League ayaa haddana xiddigan khadka dhexe waxa uu 300 oo maalmood kaddib markale kooxda Chelsea la qaaday horyaalka Ingiriiska, halka haatanna uu Kanté ku guuleystay Koobka Adduunka 2018.
Gool FM.