Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Rooney oo iminka ku sugan dalka MAREYKANKA ayaa la waydiiyay kan fiican Ronaldo iyo Messi, isagoo xitaa Laba-labayn ayuu la soo booday…!!!

$
0
0

(America) 17 Luulyo 2018. Wayne Rooney ayaa kulankiisii ugu horreeyay u saftay kooxdiis cusub ee DC United kaddib markii uu ka soo tagay Everton.

Laacibka ugu goolasha badan taariikhda Manchester United iyo xulka Ingiriiska ayaan wax gool ah dhalin kulankiisii ugu horreeyay ee kooxdiisa Cusub balse caawin ayuu sameeyay ciyaar ay 3-1 uga adkaadeen Vancouver Whitecaps.

Rooney oo ay waqti fiican Man United ku soo wada qaateen Cristiano Ronaldo ayaa isagoo ku sugan Mareykanka la waydiiyay kan fiican saaxiibkii hore iyo Lionel Messi. Isagoon laba labeyn ayuu si deg deg ah ugu jawaabay Messi.

Picha inayohusiana

Radio-ha wareysanayay ayuu xitaa ka yaabiyay Rooney sida dhaqsida leh uu ula soo booday Messi.

“Haa, waxaan u maleynayaa inaan midan horey u iri laakiin labadooda malaha waa labadii ugu fiicneyd ee kubbada cagta ciyaarta, ” Rooney ayaa intaa hadalkiisa ku sii daray.

“Aragti ahaanteyda Messi waa kii ugu fiicnaa ebid. “.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles