Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Cristiano Ronaldo oo hoggaaminaya SHANTII saxiix ee ugu weynaa oo dhacay intii uu socday Koobka Adduunka 2018

$
0
0

(Turin) 17 Luulyo 2018. Koobka Adduunka 2018 ayaa todobaadkan lagu soo gabagabeeyey Waddanka Ruushka, waxaana ku guuleystay xulka qaranka France.

Intii lagu guda jiray dhacdada ugu weyn kubadda cagta Adduunyada xagaagan, waxaa la sameeyey saxiixyo waa weyn, waxaana ka soo qaadanaynaa shantii saxiix ee ugu weynaa oo dhacay intii lagu guda jiray Koobka Adduunka 2018.

Cristiano Ronaldo ayaa hoggaaminaya shanta ciyaaryahan ee waa weyn oo ka tagay kooxahoodii hore kuna biiray kooxo cusub intii lagu guda jiray Koobka Adduunka.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ee Ronaldo oo sagaal sano kaddib ka tagay Real Madrid kuna biiray Juventus ayaa qaatay hadal hayta ugu badan ee intii lagu guda jiray dhacdada Koobka Adduunka 2018.

Juventus ayaa shalay saxaafadda u soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee CR7, waxaana loo gacan geliyey lambarka maaliyadda 7-aad ee kooxda Juve oo uu caanka ku yahay Cristiano Ronaldo.

Waxaan haddaba halkaan hoose ku eegeynaa shantii saxiix ee ugu weynaa oo dhacay intii uu socday Koobka Adduunka 2018:-

#1 – Cristiano Ronaldo oo ka tagay Real Madrid kuna biiray Juventus.

#2 – Goolhaye Gianluigi Buffon oo ka tagay Juventus kuna biiray PSG.

#3 – Riyad Mahrez oo Leicester City ka soo tagay kuna biiray Manchester City.

#4 – Thomas Lemar oo ka soo tagay AS Monaco kana mid noqday kooxda Atletico Madrid.

#5 – Jorginho oo ka soo tagay kooxda Napoli, kuna biiray Chelsea.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles