(Paris) 17 Luulyo 2018. Xafiiska Madaxweynaha Waddanka Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in dhammaan xulka France ee ku soo guuleystay Koobka Adduunka 2018 lugu qaabilayo xafiiska Madaxweynaha, isla markaana lagu abaal-marin doono billad sharaf sare.
Xulka Les Bleus lagu naanayso ayaa markoodii labaad taariikhdooda sanadkan ku guuleystay Koobka Adduunka, kaddib markii ay 4-2 uga adkaadeen xulka qaranka Croatia kulankii Final-ka ahaa ee ka dhacay garoonka Luzhniki, Magaalada Moscow ee dalka Ruushka.
Xafladdaan ayaa ka dhici doonta qarsriga Madaxtoodyada Faransiiska, waxaana xulka qaranka la guddoonsiin doonaa abaal-marinta ugu sarreysa Waddanka, inkastoo aan la shaacinin weli maalinta iyo taariikhda la sameynayo munaasabadan.
Guushii ay gaareen xulka France ee Russia 2018 ayaa imaanaysa 20 sano kaddib markii macallinka haatan ee xulka Didier Deschamps uu isagoo kabtan ah la qaaday xulka Les Bleus Koobkii adduunka ee 1998-dii.
Markii sidaan oo kale xulka France uu ku guuleystay Koobkii adduunka ee 1998-kii, waxaa qasriga Madaxtooyda ku casuumay Madaxweynihii hore ee Waddanka Faransiiska Jacques Chirac oo xulkii guusha u soo hooyey Waddanka guddoonsiiyey abaal-marinta ugu sarreysa dalka.
Xulka qaranka Faransiiska ayaa ka soo laabtay Magaalada Moscow ee dalka Ruushka, waxaana ay soo gaareen Magaalada Paris ee Caasimadda Waddanka Faransiiska shalay oo Isniin ahayd, iyagoo Koobka Adduunka 2018 ee ay ku soo guuleysteen ku soo wareejiyey wadada aadda Madaxtooyda dalka Faransiiska ee Champs Elysees avenue, ka hor inta aysan la kulmin Madaxweyne Macron iyo xaaskiiska 65-sano jir ah ee Brigitte.
Gool FM.