Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Jeeb Waynayaasha Isbooriga Adduunka ee 2018 oo la soo saaray….(Messi oo garaacay Ronaldo)

$
0
0

(World) 19 Luulyo 2018. Forbes ayaa soo saartay Liiskeeda sanadlaha ee Ciyaartoyda heerarka kala Duwan ee Sport-ga ee ugu Dakhliga badan sanadka 2018.

Ronaldo oo koowaad ku jiray sanadkii hore ayaa loo riday Saddexaad oo waxaa ka soo sara maray Lionel Messi oo soo galay kaalinta 2-aad.

Feeryahanka aan marna dhinaciisa dhulka la dhigin ee Floyd Mayweather ayaa noqday kan ay u soo xarootay dakhliga ugu badan 2018 ee Isboortiga heerarkiisa kala‏ duwan.

Tokeo la picha la RICH LIST Revealed: The highest paid sports people of 2018 as Conor McGregor makes appearance and Lionel Messi beats Cristiano Ronaldo

Mayweather oo ka fariistay ciyaaraha ayaa waxaa 2017 soo kacsaday Conor McGregor, balse wuu ka adkaaday isagoona markale ka fariistay ciyaaraha iyadoo aan marna laga adkaan.

McGregor oo ku caanka ah ciyaaraha MMA oo weligii halkaas mar ka qeyb galay Boxing ayaa soo galay kaalinta afaraad ee ciyaartoyda ugu dakhliga badan, Neymar oo PSG ku biiray ayaa soo xirta kaalinta 5-aad.

EEG LIISKA Ciyaartoyda ugu Dakhliga badan Isboortiga nuucyadiisa kala duwan:

1: Floyd Mayweather (boxing) £207.6m

2: Lionel Messi (football) £83.81m

3: Cristiano Ronaldo (football) £81.54m

4: Conor McGregor (mixed martial arts) £74.75m

5: Neymar (football) £67.95

6: LeBron James (basketball) £66.82m

7: Roger Federer (tennis) £58.29m

8: Stephen Cirry (basketball) £58.06m

9: Matt Ryan (American football) £50.81m

10: Matthew Stafford (American football) £44.92m

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles