(London) 29 Luulyo 2018. Dhaliyaha Chelsea Alvaro Morata ayaa waxaa loo dhalay labo Wiil oo Maatano ah.
Xiddiga reer Spain oo baraha bulshada soo dhigay caruurtiisa Cusub ayaa durba go’aansaday inuu ugu magac daro Alessandro iyo Leonardo.
Weeraryahankii hore ee Real Madrid ayaa warqad uu soo dhigay Twitterka ku sheegay in 29-ka July ay tahay Maalin uusan marn ilaawi doonin, maadaama ay xaaskiisa Alice u dhashay labo wiil oo Mataano ah.
Wuxuu warqadiisa sidoo kale ku sheegay inuu waqti badan sugayay maanta oo kale, wuxuu sheegay in sagaal bilood ay tahay waqtiga caadiga ah ee caloosha lagu sido caruurta balse iyaga ahaan ay la ahayd sida inay sugayeen saddex sano.
Wuxuu Ammaanay xaaskiisa maadaama ay siisay wuxuu ku sheegay hadiyadii ugu qurxda badneyd adduunka.
Morata ayaana ugu dambeyn u mahad celiyay Dhakhaatiirtii ka caawisay xaaskiisa inay dhasho Alessandro iyo Leonardo.
SAWIRRO:
Gool FM.