(Washington) 30 Luulyo 2018. Xiddiga qibradda leh ee Wayne Rooney ayaa furtay akoonkiisa goolasha horyaalka MLS-ka Mareykanka, waxaana uu dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey kooxdiisa cusub ee DC United.
Rooney ayaa goolkiisii koowaad ee MLS-ka dhaliyey kulankii horyaalka Mareykanka ee ay kooxdiisa 2-1 uga adkaatay naadiga Colorado Rapids oo marti u ahayd, laakiin Kabtankii hore ee Man United ayaa kulankan sanka ka jabay.
32-sano jirkaan ayaa dhaliyey goolka furitaanka ciyaarta daqiiqaddii 33-aad, kaddib weerar daba-mareyn ahaa oo ay soo qaadeen xiddigaha kooxdiisa DC United markii ay kubadda ka soo dafeen bartamaha garoonka.
Kellyn Acosta ayaa goolka barbaraha u dhaliyey kooxda Colorado oo ciyaarta ka dhigay gar isku mid ah, laakiin Niki Jackson ayaa gool aan ula kac ahayn iska dhaliyey (own goal) daqiiqaddii 90-aad taasoo saddexda dhibcood siisay kooxda DC United.
Kabtankii hore ee xulka qaranka England Wayne Rooney ayaa sanka ka jabay isagoo difaacayey kooxdiisa daqiiqadihii waqti daayaca ee lagu kordhiyey ciyaarta.
Rooney ayaana kulanka kaddib Twitter-kiisa ku soo qoray: “Waa mid wanaagsan inaan dhaliyo goolkeygii koowaad ee DC United, waxaana aad muhiim noogu ahayd saddexda dhibcood kulankii ka dhacay Audi Field… San jabay iyo shan tolid.”
SAWIRRO:
DAAWO:
Gool FM.