Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Chelsea oo wada hadalo hordhac ah la furtay goolhayaha koowaad ee Inter Milan

$
0
0

(London) 21 Maajo 2016. Sida ay sheegeyso jariiradda Gazzetta dello Sport in agaasimaha Inter Milan Piero Ausilio uu u duulay magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska si uu uga soo hadlo suuro galnimada sida ay ku heli karaan xiddigaha Man City Yaya Toure iyo Pablo Zabaleta.

Wuxuu intaa kaddib u duulay agaasimaha magaalada London si uu ula kulmo maamulka Chelsea isla markaana uga arrinsadaan arrinka ku aadan goolhayahooda Samir Handanovic.

Blues ayaa ku mashquulsan raadinta goolhaye u badela booska Thibaut Courtois kaa oo la warinayo inuu doonayo inuu isaga huleelo Stamford Bridge maadaama ay kooxdiisu qeyb ka noqon doonin tartanka Champions League ee kal ciyaareedka soo socda.

Tababaraha cusub ee Chelsea Antonio Conte ayaa aaminsan in goolhayaha khibrada leh ee Handanovic uu buuxin karo booskaa.

Kaddib wacadro uu markale 31-jirkan ka dhigay horyaalka Serie A ayaa wuxuu soo jiitay dareenka kooxo badan oo ka dhisan Yurub oo ay ka mid yihiin Arsenal, Man United, PSG iyo waliba kooxda Barcelona.

inter

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025