Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Maanta laguma xasuusan doono oo kaliya inuu ciyaaraha ka fariisanayo Diego Milito oo waxaa kaloo lagu xusuusan doonaa….+SAWIRRO

$
0
0

militooo

(Argentina) 21 Maajo 2016. Waxaa maanta ciyaaraha ka fariisanaya weeraryahankii hore ee Inter Milan Diego Milito laakiin intaa oo kaliya laguma xusuusan doono 21-ka May 2016.

Waxaa kaloo maanta oo sabti ah 21 ka May lagu xusuusnaan doonaa inuu canug u dhashay Diego Milito saacado yar uun ka hor kulankiisa sagootinta ay kooxdiisa Racing Club la yeelaneyso Temperley.

Milito ayaa aad loogu xusuustaa waqtigii cajiibka ahaa uu ku soo qaatay naadiga Inter Milan ee dalka Talyaaniga halkaa uu ku qaaday  Champions League, Serie A iyo Coppa Italia xilli ciyaareedkii 2009-10.

Sofia oo ah xaaska Milito ayaa maanta mid gaar ah uga sii dhigtay seygeeda kaddib markii ay u dhashay canugiisii saddexaad xilli uu ciyaaraha oo idil isaga fariisan doono kulanka Racing iyo Temperley kaddib.

Sawirro:

milito milito1

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles