Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Waa kuma saxiixa cusub ee Arsenal Granit Xhaka?…(Halkan ka aqriso wax kasta oo aad uga baahan tahay)+SAWIRRO

$
0
0

kaabo

(London) 21 Maajo 2016. Xiddiga qadka dhexe ee naadiga Borussia Monchengladbach Granit Xhaka ayaa ku dhawaad 30-milyan ugu soo dhaqaaqay kooxda Arsenal kaddib afar sano uu ka soo ciyaarayay horyaalka Bundesliga.

Weli Arsenal ma aysan shaacin heshiiska laacibkan laakiin sawirro qarsoodi loo faafiyay iyadoo uu laacibku xiran yahay maaliyadda Arsenal waliba mida cusub oo ay ku ciyaari doonaan kal ciyaareedka soo socda ayaa caddeyn kaaga filan in laacibku yahay mid ka tirsan xiddigaha Gunners.

Haddaba aqriste waxaan halkan kugu heynaa wax kasta oo aad uga baahan tahay Granit Xhaka.

 Granit Xhaka

 Xhaka ayaa ku dhashay magaalada Basel ee dalka Switzerland bishii 27-kii September 1992, waxaa iska dhalay waalidiin Kosovo Albanian kuwaa oo ka soo guuray Kosovo isla markaana yimid Switzerland wax yar uun ka hor dhalashadiisa.
Granit Xhaka

Xhaka waa nin dheer oo ka ciyaara qadka dhexe kuna ciyaara lugta bidix, baasas halis ah dhiiba iyo shaqo adag, waxay sifooyinkiisaas soo jiiteen tababaraha Liverpool Klopp iyo midka Arsenal Wenger.

Granit Xhaka

 Naadiga FC Basel ayaa 2002-dii kala soo wareegtay kooxda dariska ee Concordia Basel, halkaa uu kooxda dhalinyarada ka garab ciyaarayay walaalkii Taulant.

Granit Xhaka

 Xhaka wuxuu matalay xulka qaranka Switzerland ee heerarka 17-jirada, 18-jirada, 19-jirada iyo 21-jirada. xulka ay da’doodu ka yartahay 17-jirada ayuu kula guuleystay FIFA World Cup 2009-kii.

 Granit Xhaka

Wuxuu qeyb ka ahaa kulan ay kooxdiisu Basel 3-3 la gashay Man United wareega group-yada Champions League ee xilli ciyaareedkii 2011-12 .

Granit Xhaka

 Wuxuu kaloo qeyb ka ahaa kooxdii Basel oo ay garoonkooda uga soo adkaatay Man United bishii December 2011.

Granit Xhaka

Xhaka walaalkii Taulant, waa 24-jir daafaca uga ciyaara kooxda Basel iyo xulka qaranka Albania.

Granit Xhaka

 Xhaka ayaa adduun dhan 6.5-milyan ugu wareegay kooxda ka ciyaarta Bundesliga ee Borussia Monchengladbach bishii May 2012 heshiis shan sano ah.

Granit Xhaka

 Tababarihii hore ee kooxda Basel Thorsten Fink ayaa mar yiri: “Xherdan Shaqir waa kan ugu xirfada badan Switzerland kaddib Granit Xhaka”.

Granit Xhaka

Xhaka waxaa gacantiisa bidix ku sawiran Tattoo (Sawirka jirka) kaa oo u qoran ‘BoB 92’, iyadoo uu xushmad iyo jaceyl ugu muujinayo saaxiibkii ugu qaalisan ee Patrik iyo sanadkii ay dhasheen.

Granit Xhaka

Xhaka ayaa matalay xulka Switzerland ee 21-jirada ee guul darada kala kulmay xulka Spain ciyaartii final ka European Championships ee ka dhacday Denmark, waxaa xulkiisa lagu maray 2-0.

Granit Xhaka

Xhaka ayaa ciyaaray kulan uu xulkiisa Switzerland Wembley kula ciyaaray xulka England bishii Jun 2012 isreeb reebkii Euro, 2-2 ayay ciyaartaa ku idlaatay.

Granit Xhaka

Xhaka ayaa isku dayay 1,183 baas horyaalka Bundesliga ee kal ciyaareedkan waa laacibka shanaad ee ugu baaska badan horyaalkaas.
Granit Xhaka

Lambarkii ugu horreeyay uu xirto waayihiisa xirfalenimo wuxuu ahaa NO. 34, waana Lambar uu u qaato koox kasta oo uu ku biiro, Toloow Arsenal isla lambarkaa miyuu u xiran doonaa? Haa oo way u badan tahay Coquelin ayaa iminka wata lambarkaas laakiin waxay u badan tahay in laga qaadi doono loona xiri doono NO. 8.

Waxaa kuu diyaariyay: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).blackyare1@hotmial.com.Gool FM.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025