Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

SHARAXAAD laga bixiyay SABABTA uu Ronaldo ilaa iminka Gool uga dhalin la’yahay horyaalka Serie A!!

$
0
0

(Italy) 06 Sab 2018. Tababarihii hore ee Inter Milan iyo Manchester City Roberto Mancini ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu ilaa iminka Ronaldo gool uga dhalin la’yahay horyaalka Serie A kaddib markii uu ku soo biiray kooxda Juventus.

Xiddiga reer Portugal ayaa ugu yaraan 40 gool dhalinayay sideedii sano ee ugu dambeysay La Liga, dad badan ayaana aaminsanaa inuu goolal qul qul ah dhalin doono maadaama uu ku soo biiray horyaal ka heer sareeya midkii uu ka ciyaari jiray isla markaana ku biiray kooxda ugu tunka wayn.

Laakiin Ronaldo shabaqa wuu gaari waayay saddex kulan uu ilaa iminka ka soo muuqday Serie A inkastuu sameeyay isku dayo aad u badan.

Tababare Roberto Mancini oo khibrad badan u leh horyaalka Talyaaniga ayaa Sharaxay sababta uu ilaa iminka u Sooman yahay CR7.

Cristiano Ronaldo

“Waxaa jira waqtiyo aysan waxyaabaha u dhaceyn sidaad dooneyso, ma aaminsani in Ronaldo uu dhibaato ku qabo inuu goolasha ku soo laabto,”

“Waa waqti adag, laakiin sidoo kale caadi ayay u tahay weeraryahanka.

“Talyaaniga, kooxda kaa soo horjeedo waxay daafaca ka bilaabaan qadka dhexe, sidaa darteed Ronaldo ma heli karo masaaxada uu heli jiray markii uu ka ciyaarayay Spain.

“La Liga waxay ciyaaraan kubbad cag oo ceyn kale ah.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025