Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Boondheere iyo  Howl-wadaag oo usoo gudbay  wareegga 8-da tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir +Sawiro

$
0
0

(Muqdisho) 06 Sebt  2018.  Degmooyinka Boondheere iyo Howl-wadaag ayaa xaqiijiyay booskooda wareeg-da 8-da tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir  kadib markii ay guulo ka gaareen degmooyinka Kaaraan iyo Deyniile.

Kulanka   boondheere iyo Kaaraan  oo ka dhacay  garaoonka Banaadir waxaa daawashadiisa kasoo qayb gayb galay,  Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Wasaarada dhallinyarda iyo Isboortiga   Khadiijo Maxamed Diiriyie, Masuuliyiinta Gobolka Banaadir,  Madaxda xiriirkakubadda cagta iyo   taageerayaasha labada degmo oo si wayn usoo camiray garoonka.

Labada koox   ayaa garoonka kusoo bandhigay ciyaar  aad usoo jiidatay madaxda iyo dadwaynihi  garoonka ku sugnaa, waxaan daqiiqadi 10’aad  hogaanka ciyaarta la wareegtay   Boondheere waxaana u saxiixay  laacibka No-12 oo daqiiqadi 10-aad  dhaliyay.

Kaaraan oo   ku gacan saraysay gacan ku hanta kubadda iyo weerarkaba ayaa  soo barbaraysay daqiiqadi 59 ee ciyaarta waxaana  u dhaliyay laacibna No-17 Cabdinaasir  Aways Cabdi, waxaana waqtigii    loogu talo galay ay ciyaarta kusoo idlaatay 1-1.

Sida uu sharciga qabo waxaa  loo tuuray  bandhiyoo nasiib lagu kala saarayo maadaama ay Howl-wadaag  2-0 uga adkaatay Deyniile isla markaana  5 dhibcood  kaalinta koowaad ugu soo baxday kaaraan iyo Boondheere ay ku dhamaysteen  min 3 dhibcood qaybkastana ka simman, waxaan nasiibka saaciday Boondheere oo sidaa ugu gudubtay  wareegga rubuc-dhammaadka tartanka kubadda cagta degmooyinka.

Degmooyinka  Howl-wadaag  iyo Boondheere ayaa ku biiraya  Shibis iyo Waaberi oo horay booskooda u xaqiijiyay , waxaana  wali harsan afarti degmo ee kusoo biiri lahaa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025