(Muqdisho) 06 Sebt 2018. Degmada Dharkeeleey ayaa laga saaray gabi ahaan ciyaaraha kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo si xiiso leh u soconaya.
Digreeto ka soo baxday guddiga Isboortiga gobolka Banaadir oo nuqul ka mid ah soo gaaray Gool FM ayaa lagu sheegay in dhibcihii lagu wareejiyay degmada Shangaani, isla markaana tartanka laga saaray Dharkeenley.
Taageerayaasha Dharkeenley ayaa la sheegay in ay bur bur u gaysteen kuraasta garoonka Jaamacadaha, waxaana xeerka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir qodobkiisa 5.3 uu dhigaya in degmadii taageerayaasheeda xad gudub ku samaysaa agab garoonka ganaax nuucaan ah uu ku dhac.
Sidoo kale degmadaas ayaa lagu riday ganaax lacageed iyo in muddo hal sanno ah laga ganaaxay dhaq dhaqaaq isboortiga gobolka Banaadir.