(Muqdisho) 11 Sab 2018- Waxaa mar kale is badel ku yimid jadwalka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir, kaddib weerarkii lagu qaaday xarunta degmada Hodan.
Hodan ayaa sida qorsha uu ahaa galabta la balansanayd degmada Xamar Wayne, waxaana ciyaartaasi loo badelay maalinta khamiista.
Sidoo kale waxaa dib u dhac uu ku yimid xiligii la ciyaari lahaa wareega Sami Finalka io Finalka ciyaaraha degmooyinka.
Kullankii Shangaani iyo Howl Wadaag ayaa u dhacay Jimcaha, halka Wadajir iyo Shibis ay ciyaari doonaan sabtida ina soo aadan.
Gool FM