Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Inter iyo Kabtankeeda Icardi oo iski Khilaafsan dhanka Mushaarka…(Imisey kooxda la diyaar tahay, imise ayuuse doonayaa laacibka??)

$
0
0

(Milano) Sab 2018. Inter Milan ayaa weli ka shaqeynaysa sidii ay heshiiska ugu cusbooneysiin lahayd kabtankeeda Mauro Icardi, waxaase la sheegayaa inuu jiro khilaaf dhanka mushaarka ah.

Qandaraaska uu dhaliyaha reer Argentina kula joogo Nerazzurri ayaa ka dhacaya 2021, laakiin kooxda waxay dooneysaa inay heshiiska u cusbooneysiiso si ay kooxaha kale uga ceshato.

Corriere della Sera ayaa warinaya inuu wada hadalo u socdo Inter iyo Wakiilka Icardi ama haddii si kale loo dhoho xaaskiisa Wanda.

Related image

Qorshaha heshiis ballaarinta ayaa ah ilaa 2023, iyadoona ugu yaraan ilaa 130 milyan la gaarsiinayo lacagaha lagu bur burin karo qandaraaskiisa.

Yeelkeede, Wakiilka Icardi ayaa waydiisanaya kooxda mushaar dhan 8 milyan xilli ciyaareedkiiba halka Inter Milan ay diyaar la tahay inay bixiso 6.5-milyan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles