Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

DEG DEG: UEFA oo Baaritaano ku bilowday Kaarkii Casaa ee xalay loo taagay Ronaldo laakiin Laacibka ma heli doono……

$
0
0

(Europe) 20 Sab 2018. UEFA ayaa furtay baaritaano ku aadan kaarkii casaa ee xalay sida deg dega ah lagu siiyay Cristiano Ronaldo balse laacibka ma heli doono jawaab ilaa laga gaaro Usbuuca dambe.

Xiddiga reer Portugal ayaa qaatay kaarka casaanka ee ugu horreeyay 154 kulan uu saftay tartanka Champions League kaddib markii ay isku dhaceen Jeison Murillo ee u safta Valencia.

Ronaldo ayaa garoonka laga saaray kaddib markii uu tinta ku dhagay Murillo mar uu u muuqday inuu isku dayayo inuu istaajiyo xiddiga kooxda reer Spain kaddib markii ay isku dhaceen.

Garsoore Felix Byrch ayaa ka oohiyay Ronaldo markii uu si lama filaan ah kaarka cas ugu taagay kaddib markii uu la tashaday calan wadaha.

Dhacdadan ayaa keeni karta in Champions League lagu soo kordhiyo VAR, muuqaalka caawiyaha garsooraha.

Ronaldo ayaa ganaaxiisa ogaan doona usbuuca dambe, balse haddii ganaax wayn la dul dhigo wuxuu seegi doonaa kulanka uu ku wajihi lahaa kooxdiisii hore ee Manchester United.

Juventus ayaa isku daba rideysa muuqaalo iyo warbixin ku aadan Ronaldo si ay u caawiyaan kiiska laacibkooda cusub waxayna aaminsan yihiin inay Uefa ku qancin karaan in si qalad ah kaarka cas lagu siiyay Ronaldo.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles