(Manchester) 20 Sab 2018. Romelu Lukaku ayaa la guddoonsiiyay abaal marin kaddib markii uu ku soo biiray liiska xiddigaha Premier League ka dhaliyay 100-gool.
Dhaliyaha reer Belgium ayaa gool uu ka dhaliyay Swansea City dhammaadka kal ciyaareedkii tagay ku xiray tirada 100-ka gool ee horyaalka Ingiriiska.
Lukaku ayaa noqday laacibkii 28-aad ee gaara tiradaas Premier League wuxunana Boqolka gool u kala dhaliyay Manchester United, Everton iyo West Brom.
Wuxuu iminka ku jiraa qaab ciyaareed fiican oo wuxuu durba sii cago cageynayaa 4-gool shan kulan uu ciyaray Premier League kal ciyaareedka Cusub.
Weeraryahanka Manchester United ayaase sheegay inuu qabo baahi intaas ka badan isagoona qiray inuu had iyo jeer ka fikiro sidii uu ugu guuleysan lahaa Kobta Dahabka Premier League.
Gool FM.