(Europe) 20 Sab 2018. Lionel Messi ayaa go’aansaday inuu ka soo qeyb galo xafladda lagu bixinayo abaal marinada FIFA iyadoo ay jirto inuusan ka mid ahayn Saddexda laacib ee isugu soo haray abaal marinta FIFA the Best.
Cristiano Ronaldo, Luka Modric iyo Mohamed Salah oo horey ugu soo tartamay abaal marinta laacibka Sanadka ee Yurub ayaa misane ku tartamaya FIFA the Best.
Messi inkastoo la qadiyay misane wuxuu doonayaa inuu xafladda soo xaadiro maadaama la casuumay waayo wuxuu qeyb ka yahay kooxda Sanadka.
Tani waa farqiga u dhexeeya isaga iyo Ronaldo.
Xiddiga reer Portugul ayaa u gooyay xafladii lagu bixinayay laacibka ugu fiican Yurub kaddib markii uu ogaaday in la caleemo saari doono Luka Modric.
Balse Messi isagoo xitaa ka warqaba inuusanba ku jirin Saddexda u sharaxan abaal marin FIFA the Best ee la bixin doono Isniinta soo socota ayaa go’aansaday inuu ka soo qeyb galo xaflada.
Gool FM.