( Catalan ) 22 Sab 2018. Macalinka Brazil Tite ayaa shaaciyay 23- cayaariyahan oo loogu yeeray kulamada saabiitinimo oo ay wajihi doona Saudi Arabia 12 October iyo Argentina 16 October iyadoo seddaxd kamida cayaariyahana Barcelona loogu yeeray kulamada heerka caalami.
Tani waa markii ugu horreysay mudda 14 sano kaddib oo xulka Brazil ay kamid noqdaan seddaxd laacib oo kooxda Blaugrana waxaana qaranka loo xulay Philippe Coutinho, Arthur Melo iyo Malcolm Filipe Silva.
Waqtigii ugu dambeyay oo cayaariyanaho ka socda kooxda Catalan loogu yeero xulka Brazil waxay aheyd kulan saaxiibtinimo oo ay la cayaareen Germany 8dii September 2004-tii, kulan ku dhamaaday barbaro 1-1.
Waxayna markaa ahaayeen xiddigaha xulka kamida ahaa, Ronaldinho, Juliano Belletti iyo Edmilson.
Gool FM.