(England) 23 Sab 2018. Weeraryahanka naadiga Stoke City Saido Berahino ayaa wajahaya Dagaal dhanka sharciga ah kaddib markii wax ka yar labo bilood loogu dhalay Saddexleey Caruur.
Goolahasiisa iyo caruurtiisa waxaaba iminka badan caruurta loo dhalay oo Berahino ayaa goolkiisii ugu horreeyay u dhaliyay Stoke City 913-maalmood kaddib.
HOOYADA 1-aad: Waxaa lagu Magacaabaa Stephania Christoforou 27, waana gacalisadiisii hore waxayna dhashay wiil lagu magacaabo Costa 30-ka bisha May.
Isibtalka haweenka ee magaalada Birmingham ayayna ku umushay. Culeyska wiilka ayaa ah 7lbs 1oz, warqada dhalashada canuga yar ayaana lagu qoray in aabihiis uu yahay Berahino.
Stephania ayaa Kansashay aqal galkeeda laacibka reer Burundi kaddib markii ay is- dagaaleen maalinkii Jaceylka adduunka ee Valentine’s Day mar uu Berahino isku dayay inuu si qarsoodi ah ula boxo gabadha sameysa xayaysiinta dharka ee u dhalatay Mareykanka Chelsea Lovelace.
HOOYADA 2-aad: Waa Kal-kaaliso 28-jir ah oo ka soo jeeda Afrika. Berahino ayayna saaxiibo ahaayeen yaraantooda.
Magaceeda waa la qariyay sababo la xiriira dhanka sharciga.
Gabar ayay ku dhashay Isbital ku yaala Walsall 15-ka bishii Julay, waxaa la aaminsan yahay in warqada dhalashada gabadha aan lagu qorin magacaba Berahino oo hooyada dhashay waxay wada hadalo kula jirtaa laacibka iyo Qareenkiisa.
HOOYADA 3-aad: Waxaa lagu magacaabaa Chelsea, 17-dii Jul ayay iyana gabar loo bixiyay Aniya Marie ku dhashay isbital ka Walsall.
Culeyska dhallaanka ayaa lagu sheegay 6lbs 2oz, Warqada dhalashada ayaana lagu qoray in Berahino uu yahay Aabaha.
Gool FM.