(England) 01 Okt 2018. Tababare Arsene Weger ayaa dib ugu soo laabtay Kursiga Tababarka kaddib sidii uu uga soo tagay Arsenal bishii May 22-sano uu xilka u hayay kaddib.
68-jirka reer France ayaa ka soo muuqday kulanka Samfalka ee laacibkii hore ee Arsenal Nwankwo Kanu ee loogu magac daray Kanu Cup.
Kulanka oo ka dhacay Barnet ayaa waxaa wada ciyaaray Xiddigihii hore ee Premier League iyo Laacibiin ka socota Afrika.
Arsene Wenger ayaa kursiga Tababarka ku soo laabtay qeybtii labaad ee kulanka Samafalka ah ee ka dhacay gegada Hive stadium ee Woqooyiga London iyadoo ay Premier League Masters XI 9-4 uga adkaadeen African Masters.
Kanu Cup ayaa noqday Koobkii ugu horreeyay uu ku guuleysto Arsene Wenger tan iyo Community Shield uu 2017-kii la qaaday Arsenal.
SAWIRRO:
Gool FM.