(London) 01 Sab 2018. Eden Hazard ayaa si kal iyo laab ah uga farxiyay Muslimiinta caalamka kaddib markii uu isticmaalay Kalmad Cajiib ah mar uu wareysi siinayay Taageere.
Laacibka reer Belgium ayaa iminka hogaaminaya gool dhalinta horyaalka Premier League kaddib goolkii caaqibada lahaa uu ka dhaliyay Liverpool ciyaartii ku idlaatay 1-1.
Tababare Sarri ayaa kol hore qishay in Hazard uu kal ciyaareedkan dhalin karo ugu yaraan 40-gool.
Taageere ayaa waydiiyay haddii ay suuro gal tahay inuu xilli ciyaareedkan dhalin karo 40-gool. Hazard ayaana ku jawaabay INSHA’ALAAH.
Ma jiro war rasmi ah oo xaqiijin kara in Eden Hazard uu yahay MUSLIM, balse marar badan ayaa horey loo arkay iasgoo Ciida iyo Ramadaanka ugu hambalyeynaya Umadda Islaamka ah.
DAAWO:
Gool FM.