Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

DEG DEG: Kooxda Midnimo oo la soo wareegtay laba xiddig oo ajinabi ah

$
0
0

(Muqdisho) 01 Okt 2018. Kooxda heerka labaad ku soo guulaysatay ee Midnimo  ayaa la soo wareegtay laba xiddig oo ajinabi ah kuwaas oo ka soo jeeda dalka Uguanda.

Macallinka kooxda Midnimo Axmed Ismaaciil ayaa inoo xaqiijiyay imaanshaha labadaan ciyaaryahan oo kooxda kala qayb qaadan doona koobka Janeraal Daa’uud.

Xiddigaha u dhashay Uguanda ayaa ka ciyaara weerarka iyo daafaca, waxaana lagu kala magacaabaa Waswa iyo Mogomu.

Xiddigahan waxaa garonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay macallinka labaad ee kooxda Mustaf Nakuja iyo maamulka naadiga oo uu hoggaaminayo Macallin Sandhool

Midnimo ayaa galabta ciyaari doonta kullankii lbaad koobka Janeraal Daa’uud, iyadoo wajahaysa naadiga Gaadiidka.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles