Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Gareth Bale oo soo laabanaya ka hor waqtigii la filayay

$
0
0

(Madrid) 02 Okt 2018. Real Madrid ayaa helaysa aqbaar fiican oo ku aadan dhaawaca Gareth Bale iyadoona la filayo inuu dib ugu soo laabto garoomada ka hor waqtigii la filayay.

Laacibka reer Wales ayaa walaac galiyay Los Blancos iyo taageerayaasheeda markii dhaawac lagu badelay qeybtii labaad ee kulankii Derby Madrid ay bar baraha 0-0 la galeen Atletico Madrid.

Marca ayaa warineysa in laacibka uusan dhaawac ka gaarin muruqa isla markaana uu dib u soo laaban doono ka hor waqtigii la filayay.

Khamiista ayaa lagu wadaa inuu tababarka kula soo biiro xiddigaha kale ee Real Madrid.

Waaxda caafimaadka ayaa soo jeediyay in garoonka laga saaro kulankii Atletico kaddib tijaabooyin ay marsiiyeen.

Yeelkeede, tijaabooyin kale oo hor leh oo la marsiiyay Insiintii ayaa lagu ogaaday in dhaawiciisu uusan u khatar badneyn sidii markii hore la mooday.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles