Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

MOURINHO vs POGBA……(War Cusub oo Saakay soo baxay iyo Sheekada oo gaartay meeshii ugu xumeyd)

$
0
0

(Manchester) 02 Okt 2018. Xaalada Jose Mourinho iyo Paul Pogba ayaa hadba sidii ay meel ugu hooyaneysa iminka gaartay meeshii ugu xumeyd.

Warar dhawaan gal ah ayaa tibaaxaya in laacibka reer France uu Manchester United ugu goodiyay inuu ka tagi doono bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ilaamaa kooxda laga ceyriyo Mourinho.

Laacibkii hore ee Juvetus ayaa la warinayaa inuu saaxiibadiisa dhow dhow ee kooxda u sheegay inuu kooxda la sii joogi doonin Janaayo haddii uu xilka sii hayo Mourinho.

Image result for Pogba REal Madrid and Barcelona

Inkastoo ay Manchester United dooneyn inay iibiyaan xiddigooda ugu qaalisan misane laacibka ayaa doonaya inuu ku biiro Barcelona ama Real Madrid midkood.

Jose Mourinho ayaa kalsooni ka muujinaya xilkiisa Man United isagoona sheegay in Mustaqbalkiisa aysan ku xirneyn natiijada ka soo baxda kulanka caawa ee Valencia iyo midka ay u safri doonaan Newcastle United.

Haddaba aan aragno cida reerka u harta, Ma Pogba mise Mourinho?, la soco wararka ka soo kordha xaalada Cakiran ee ka taagan Manchester United.

Gool FM.   


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles