(London) 30 Okt 2018. Manchester City ayaa dib ugu soo laabatay hogaanka Premier League kaddib markii ay gool madi ah ku martay Tottenham ciyaartii xalay ka dhacday Wembley Stadium.
Bilowga Qeybta hore ee ciyaarta ayay Man City la timid goolka qura ay ciyaarta ku adkaatay.
Raheem Sterling ayaa si qurux badan u soo dhaafay mid ka mid ah daafacyada Tottenham dabadeedna kubbad ku taabo ah siyay saaxiibkii Riyad Mahrez oo shabaqa dhex dhigay daqiiqadii 6-aad.
Inkastoo ay Liverpool iyo Man CIty ka siman yihiin dhibcaha misane kooxda Pep Guardiola ayaa goolal badan ku heysa hogaanka Premier League.
SAWIRRO:
Gool FM.