(Madrid) 30 Okt 2018. Real Madrid ayaa xaqiijisay inay Ceyrisay tababare Julen Lopetegui iyadoona si ku meel gaar ah xilka kooxda loogu sii dhiibay Santiago Solari.
Solari ayaa tababare u ahaa Real Madrid Castilla, balse waxaa iminka si ku meel gaar ah loogu sii dhiibay xilka kooxda waa wayn.
Sidan oo kale saddex sano ka hor waxaa sameeyay Zidane oo ka soo taga Castilla si uu xilka kooxda koowaad uga badelo Rafa Benitez.
Macalinka reer France ayaana taariikh lama ilaawaan ah ka dhigay Los Blancos waana mid uu rajeynayo inuu wadadeeda oo kale maro Solari.
Halyeygii hore ee Real Madrid Santiago Solari ayaa heysta labo usbuuc si uu kooxda uga bixiyo dhibaatada xoogan ay ku jirto isla markaana caddeeyo inuu yahay shaqsi u qalma in si buuxda loogu dhiibo xilka kooxda Real Madrid.
Julen Lopetegui ayaa hayay xilka Real Madrid afar bilood oo qura ka hor inta aan la ceyrin.
Wixii ka soo kordha sheekadan kala soco Goolfm.net.
Gool FM.