(Madrid) 30 Okt 2018. Julen Lopetegui ayaa uga mahad celiyay Real Madrid fursada ay siyeen kaddib markii laga ceyriyay kooxda.
Macalinkii hore ee xulka Spain ayaa sidoo kale Nasiib wacan u rajeeyay kooxda inta ka harsan xilli ciyaareedkan.
“Kaddib go’aanka ay qaateen maamulka sare ee kooxda, waxaan doonayaa inaan kooxda uga mahad celiyo fursada ay i siyeen,” Lopetegui ayaa sidaa yiri.
“Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan ciyaartoyda uga mahad celiyo dadaalkooda iyo shaqadooda, sidoo kale waxaan shaqaale kasta oo ka mid ah kooxda uga mahadnaqayaa sida ay ila dhaqmeen intii aan xilka hayay.
“Dabacan waxaan taageerayaasha uga mahadnaqayaa dhiirigalintooda.
“Nasiib wacan ayaan idin rajeynayaa inta ka harsan xilli ciyaareedka.”.
Gool FM.