(England) 30 Maajo 2017. Premier League ayaa goor dhow uun dhammaaday iyadoo ay ku guuleysatay kooxda uu hor koco tababare Antonio Conte ee Chelsea.
Haddaba goorma ayaa la soo saari doonaa isku aadka Premier League ee fasal ciyaareedka cusub 2017/18.
Dhammaan 92-da koox ee ka ciyaarta Premier League iyo Football League ayaa kooxaha ay ku aadi doonaan iyo sida ay u ciyaari doonaan ogaan doona bisha soo socota.
Premier League ayaa iyagu soo saari doona isku aadkooda ka kooban 20-ka koox 14-ka bisha June marka ay saacadda England tilmaameyso 9am.
Goorma ayuu bilaaban doonaa kal ciyaareedka cusub ee 2017/18.
Wuxuu bilaaban doonaa Premier League 12-ka bisha August wuxuuna dhammaan doonaa 18-ka bisha May ee 2018.
Halka EFL uu isagu bilaaban doono Jimce 4-ta bisha August, wuxuuna dhammaan doonaa 5-ta May 2018.
Yaa Premier League ka dhacay yaase soo dalcay oo ku soo biiray?
Sunderland, Middlesbrough iyo Hull ayaa hoos u dhacay halka ay Premier League u soo bexeen kooxaha Newcastle, Brighton iyo Huddersfield.
Gool FM.