(Manchester) 30 Maajo 2017. Kooxda Pep Guardiola ayaa ku jirta is hubeyn xoogan iyadoo ay dhawaan Monaco kala soo wareegtay Bernardo Silva waxaana saacadaha yar ee na soo aadan lagu wadaa inay soo afjarto heshiiska goolhayaha Benfica Ederson.
Goolhayaha reer Brazil ayaa ku sugan iminka gegada tababarka kooxda Man City waxaana isla galabta la dhammeystiri karaa heshiis ku kacaya 35-milyan oo euro taa oo ka dhigi doonta goolhayaha ugu qaalisan taariikhda kubbada cagta.
Ederson ayaa mari doona tijaabada caafimaad isla markaana qallinka ku duugi doona heshiis shan sano ah ka hor inta aan si rasmi ah loo shaacin heshiiskiisa.
Benfica ayaa axadii 2-1 koobka Taca de Portugal uga qaaday kooxda Vitoria Guimaraes, wuxuuna wareysi uu bixiyay goolhayaha dheeshaasi kaddib ku sheegay inuu sida cad ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee kooxda reer Portugal.
Waxaa lagu wadaa in goolhayaha reer Brazil uu noqon doono goolwalaha ugu qaalisan kubbada cagta adduunka iyadoo qiimaha 35-ka milyan ee lagula wareegi doono ay ka sara mareyso qiimihii 33-da milyan ee bound ay Juventus kula wareegtay goolhaye Gianluigi Buffon sanadii 2011.
WOW, Estamos no Mirror.
pic.twitter.com/NC7e2Wm7Ho
— Man City Brazil (@ManCityBrazil) 30 May 2017
Gool FM.