(Madrid) 12 Nof 2018. Real Madrid ayaad moodaa inay cagta la heshay wadada saxda ah tan iyo sidii uu sida ku meel gaarka ah xilka Tababaranimo ugu qabtay Solari balse waxaa faro kulul ku haya dhaawacyo iska soo daba dhacaya.
Los Blancos ayaa guul muhiim u ahayd xalay Gegada Estadio Balaidos uga gaartay Celta Vigo kaddib markii ay kaga adkaatay 4-2, waxayna durba 4-dhibcood oo qura u soo jirsatay Barcelona.
Balse nasiib darro waxaa garoonka dhaawacyo looga saaray saddex laacib Casemiro, Reguilon iyo Nacho.
Mashiinka qadka dhexe ee reer Brazil ayaa garoonka laga saaray daqiiqadii 18-aad halka labada daafac iyana garoonka laga bixiyay Daqiiqadihii 44-aad iyo 69-aad.
Solari ayaa ku qasbanaaday inuu gadaal ka ciyaarsiiyo Sergio Ramos, Javi Sanchez iyo Lucas kaddib markii dhaawacyo lagu saaray labadiisa daafac ee Reguilon iyo Nacho.
Lix ka mid ah sideeda daafac ee kooxda ayaa dhaawac ku maqan Carvajal, Marcelo, Varane, Nacho, Vallejo iyo Reguilon, balse nasiib wanaag Solari ayaa heli kara waqti ay ku soo kabtaan qaar ka mid ah xiddigihiisa sagoo ka faa’iideysanaya fasaxa loo aadayo xulalka Qaranka.
Gool FM.