(Italy) 12 Nof 2018. Kaddib guushii ay xalay ka gaartay kooxda AC Milan, Juventus ayaa horyaalka Serie A ka gaartay heer aysan ebid horey uga gaarin.
12-ka kulan ee ugu horreeyay horyaalka Talyaaniga ayay Juve ka heshay 34-dhibcood waana Rikoodh aan horey ebid uga dhicin Serie A.
Ronaldo ayaa dhaliyay mid ka mid ah labadii gool ay Marwada Duqda ah xalay uga adkaatay Milan taa oo ka dhigan inuu leeyahay 8-gool oo hal gool oo qura ayaa looga hayaa gool dhalinta horyaalka.
Sidoo kale laacibka ayaa dhaliyay lix gool 7-adii kulan ee ugu dambeeyay uu u ciyaaro Juve dhammaan tartamada waxaana muuqata saameynta wayn uu durba ku yeeshay kooxdiisa Cusub.
34 – 34 points in the first 12 league games for Juventus: record in the Serie A history. Legend. #MilanJuve
— OptaPaolo (@OptaPaolo) November 11, 2018
Gool FM.
Juventus have now won 34 points in first 12 games of the season for the first time in their history