(London) 12 Nof 2018. Laacibkii hore ee Arsenal Samir Nasri ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto Magaalada London iyadoo la warinayo inuu iminka Tijaabada Caafimaad u marayo kooxda West Ham.
31-jirka ayaa weli gudanaya ganaaxii 18-bilood ee la dul-dhigay kaddib markii lagu helay isticmaalka dawooyin Mamnuuc ka ah UEFA.
Yeelkeede, Ganaaxa ayaa laga qaadi doonaa bisha December taa oo ka dhigan in laacibka reer France uu ciyaari karo bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda.
Macalinka West Ham Manuel Pellegrini, kaa oo ay Nasri ka soo wada shaqeeyeen Manchester City ayaa ah awooda ka dambeysa hesiiska lixda bilood ee lagu wado inuu laacibka u saxiixo kooxda reer London.
Maadaama ay West Ham dhaawac culus ku waayi doonto xiddigeeda Andriy Yarmolenko inta ka harsan kal ciyaareedkan waxay isku diyaarinayaan inay aqbalaan heshiis uu Nasri usbuuciiba ku qaadan doono mushaar dhan 80,000 oo Bound.
Gool FM.