Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

DEG DEG: Solari oo si RASMI ah loogu dhiibay shaqada Real Madrid

$
0
0

(Madrid) 12 Nof 2018. Real Madrid ayaa si Rasmi ah xilka ugu dhiibatay Santiago Solari iyagoona ka saaray ku meel gaarnimada.

Halyeyga Los Blancos ayaa si ku meel gaar ah u sii hayay xilka kooxda kaddib markii la ceyriyay  Julen Lopetegui bishii tagtay.

Solari ayaa adkaaday afarta kulan uu ilaa iminka hogaamiyay Camaaliqada reer Spain waxaana ugu dambeyn lagu abaal mariyay in si toos ah loogu Magacaabo macalinka hogaamin doona kooxda ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan.

15-gool ayuu dhaliyay afarta kulan halka labo gool oo qura laga dhaliyay kooxdiisa waana mida kooxda ku qancisay inay xilka ku aaminto.

Sharciyada horyaalka La Liga ee dalka Spain ayaa sheegaya in tababarayasha ku meel gaarka ah aysan xilka sii heyn karin wax ka badan 14-beri, wixii maalmahaas ka dambeeyana waa qasab in xilka laga dhigo ama si rasmi ah loogu dhiibo.

Maanta ayayna u buuxsan tahay 14-ka maalmood, Los Blancos ayaana dooratay inay xilka si toos ah ugu dhiibato.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025