Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Maxaa dhacay tan iyo inta uu Gool la’aanta yahay Lukaku!!??…(Waxaa la dhalay 92-milyan oo Caruur ah, Waxaa is Casilay ilaa….Waxaa sidoo kale…..)

$
0
0

(Manchester) 28 Nof 2018. Ciyaartii ay Manchester United bar-baraha 0-0 mininkeeda kula gashay  Crystal Palace ayaa ka dhigan in Lukaku uu 11-kulan wax gool ah ku dhalin la’yahay Old Trafford.

Markii ugu dambeysay uu taageerayaasha Red Devils hortooda gool ku dhaliyo waxay ahayd bishii Maarso ee kal ciyaareedkii tagay markaa ay 2-0 uga adkaadeen Swansea.

Haddaba maxaa dhacay tan Iyo inta uu Lukaku gool ku dhalin la’yahay gegada kooxdiisa ee Old Trafford:

Kooxdii ugu dambeysay uu gool uga dhaliyo gagada Riyada Masaraxa ee Swansea City ayaa u laabatay heerka labaad ee Premier League, waxay magacawdeen Tababare Cusub waxayna ciyaareen 25 kulan labada heer inta uu gool la’aanta yahay Lukaku.

Da’yarka reer France Kylian Mbappe ayaa ku guuleystay afar koob inta uu goolal la’aanta Iyo koob la’aantuba yahay Lukaku.

Waxaa bilowday oo dhamamaday dhammaan tartanka Baabuurta Formula 1 2018 iyadoo uu markii shanaad ku guuleystay ninka caanka ah ee Lewis Hamilton.

Waxaa is casilay 18 Wasiir oo ka tirsan Xukuumada UK arinka ku aadan in Ingiirsku ka go’o Midowga Yurub ee EU.

Waxaa la dhalay qiyaas ahaan 92-milyan oo Caruur ah adduunka tan Iyo inta uu Lukaku wax gool ah ku dhalin la’yahay Old Traffrod.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles