(Europe) 29 Nof 2018. Liverpool ayaa xalay guul dar0 kala soo kulantay PSG oo ay marti u ahayd taa oo khatar galisay rajadeeda inay u soo baxdo wareega 16-ka Champions League.
Koox kasta oo ku jirta Group C ayaa ciyaartay 5-kulan, Reds ayaana ku jirta kaalinta saddexaad iyadoo ka dambeysa PSG Iyo Napoli.
Kooxda Jurgen Klopp ayaa laga adkaaday saddexdii kulan ee ugu dambeeyay tartanka, waana markii ugu horreysay ay sidan oo kale ku dhacdo Liverpool wareega group yada ee Champions League.
Haddaba waxay taa ka dhigan tahay inay leedahay 6-dhibcood, halka kooxda reer France ay leedahay 8-dhibcood, mida reer Talyaanina 9-dhibcood.